FOWDADA SOOMAALIYA AY KU JIRTO MAXAA KA SOO BIXI KARA? Qorshayaasha Mareykanka ma sii kordhin karaan in ay Soomaaliya ka dhalato Dowlad Islaami ah iyo in uu Saldhig Al-Qaacidda ka sameysmo ? Talaado, September 27, 2005(YOL): Ma uusan ogeyn halka ay xabadda ku dhacday uga timid ama looga soo ganay Nuur Maalin oo 18 sano jir ah., si caadi ah ayuuna isaga sii socday isagoo ay xabaddii ku taalo ilaa uu ugu dambeyntii ka war helo in mid ka mid ah lugahiisa ay tabar beeshay, wuxuuna xusuustaa kaliya in uu suuxay, kadibna waxaa loo qaaday Isbitaal, iyadoo laga jaray lugtiisii midig bacdamaa sida dhaqaatiirta ay u sheegeen ay xabaddii ku dhacday lafaha ka bur burisay. “Aad ayaan u xanaaqsanahay”ayuu yiri Nuur oo intaas ku sii daray “haatan waxaan heystaa kaliya saaxibadeey laakin wax kale maya, waan socon karaa si xor ah balse waxaba ma qaadi karo, caadi ahaan shaqo ma heli karo, sababtoo waxaan noqday naafo, waxa kaliya ee aan qaban karana waa in aan noqdo Waardiye meel uun iska fadhiya. Dad badan oo Nuur Maalin la mid ah ayaa xaaladda ay Soomaaliya ku sugan tahay aad uga carooda marka wax laga weydiiyo, waxayna sida Nuur oo kale aaminsan yihiin in waxa Soomaaliya badbaadin kara ay yihiin Islaamka oo lagu dhaqo. Nuur wuxuu jecel yahay Soomaaliya oo noqota Dowlad Sharciga Islaamka lagu xukumo, wuxuuna taas u door bidayaa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka lagu soo celin karo nabadgelyadii iyo deganaantii Soomaaliya “Waxaan jeclahay in aan Dugsi Qur'aan aado maalin uun, waxaana u maleynayaa in aan wax ka baran doono halkaas” ayuuna yiri. “Halkan wax walba waa adag yihiin” ayuu yiri Nuur oo madaxa leex leexinaya, “Qoyskeyga waxaa uu ka kooban yahay 20 ruux, waxbana iima awoodaan, seddexda waqti ee wax la cuno waxaan wax ka cunaa hal jeer oo quraacdii ah, inta kalena biyo kaliya ayaan cabaa”ayuu yiri Nuur oo ka hadlayay dhibaatada nololeed ee heysata. Khubarro wax ka qoray Soomaaliya ayaa sheegay waxa Soomaaliya ku dhacay maanta oo 14 sano Dowlad la'aan dhigay in ay tahay hoggaamiyayaasha kooxaha oo iyagu ka taliyo meelo dalka ka mid ah, kuwaasi oo u bedelay wadanka Soomaaliya meel ay ku abuurmaan kooxo lagu tilmaamo xag jirro mayal adag. Inta badan Haweenka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool waxay xirtaan labis jirkooda oo dhan daboola (Jalbaab), qaarkood madaxa ilaa suulasha lugaha ayaa u daboolan, waxa kaliya ee laga arkana waa uun labada indhood. Dadka qaarkiis ayaa sheegaya in ay tani daliil u tahay in asal raacnimo ay ku sii xoogeysaneyso dalka. Ka hor dagaalladii sokeeye iyo horaantii sagaashameeyadiiba labiska wuxuu ahaa mid lagu raaxeysto. Cusmaan Xasan Cali Caato oo haatan Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u sheegay Wariye Kevin in haddii sharci la'aanta Soomaaliya heysata ay sii socota in ay dadku Diinta u laaban doonaan. Cusmaan Caato waxaa uu sheegay in uusan arkin wax argagixiso ah oo Soomaaliya jooga, wuxuuse qiray in ay jiraan kooxo asal raac ah oo xag-jirro isku sheega, kuwaasi oo ka faa'iideysanaya xaaladda dowlad la'aaneed ee uu maanta ku sugan yahay dalka Soomaaliya. Qaar ka mid ah Urur diimeedyada ka jira Soomaaliya ayaa lala xiriiriyaa Ururka Al-Qaacida sida ay Mareykanka iyo Reer Galbeedku aaminsan yihiin, tiiyoo weliba warbixin ay soo saartay ICG lagu sheegay in Ururka Al-Itixaad Al-Islaami uu helay taageero iyo awood kadib markii ay bur burtay Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre. Ururkani wuxuu isku dayay in uu Soomaalida ku soo jiito gargaar bani'aadannimo oo uu bixiyo, Dugsiyo ay dadka wax ku bartaan oo uu dhisay iyo weliba sugidda ammaanka meelo ka mid ah dalka, iyadoo dadkana laga dhaadhiciyo mabaadii' asal raacnimo. Dowladda Mareykanka ayaa waxay ku andacootaa in Ururka Al-Itixaad uu yahay mid xiriir la leh Ururka Al-Qaacidda, kaasi oo uu ka helo hub, lacag iyo Tababarro. Sida ku xusan Warbixintan wariye Kevin Sites Shiikh Xasan Daahir Aweys waa hoggaamiyaha ururka Al-Itixaad, wuxuuna horay u ahaan jiray Korneyl ka tirsanaa ciidamadii hore ee Soomaaliya, sidaas darteed Shiikh Xasan wuxuu beeniyay in wax xiriir ah kala dhaxeeyo labada Urur, wuxuuna ku dooday “taasi waa waxa kaliya oo ay reer galbeedku ka sheegaan Soomaaliya sababtuna waa iyagoo ka baqaya in Soomaaliya laga dhiso Dowlad Islaami ah, wax walba oo ay arrintaas ku joojin karaana wey sameynayaan”. Shiikh Xasan waxaa uu xaqiiyay in aysan Soomaaliya joogin hal qof oo xiriir la leh Al-Qaacida, “waxaan nahay hal qabiil oo isku midab iyo isku af ah, mana aqbaleyno in ay noo yimaadaan dad Ajnabi ah oo hadana Al-Qaacida ah”ayuuna Sheekhu yiri. Shiikh Xasan oo marka uu dadka la hadlayo indhaha ku guba, waxaa madaxa iyo garka u marsanaa Cilaan gaduud ka dhigay midabka timahiisa. Aad ayuu Shiikhu uga shakiyaa Wariyayaasha Reer Galbeedka, waxaana ahaa wariyihii labaad oo ku wareysta xaruntiisa lagu ilaaliyo ee Muqdisho ku taala. Intii aan isu diyaarinayay Wareysigiisa ayuu i weydiiyay Sheekhu midka aan ahay Ameerikaan iyo Yahuudi, isagoo weliba si shaki ku jiro ii fiirinayay sida in aan ahay Jaajuus u shaqeynayay Dadka uu i weydiinayay, laakin wareysigii waa uu iga ogolaaday ugu dambeyntii. Waxaan weydiiyay waxa ka jira warbixin soo baxday bishii Maarso ee sanadkan 2005, taasi oo ku saabsaneyd in Soomaaliya ay noqoneyso meel ay ku isku uruursadaan kooxaha Jihaada, isla markaana ay ku yaaliin 17 xero oo lagu tababaro argagixisada. “Dadka adiga oo kale ah (Joornaalistayaasha) iyo kooxo kale oo mugdi ku jir ah ayaa had iyo jeeraale yiraahda Al-Qaacidda ayaa Soomaaliya joogta”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo su'aashaas ka jawaabayay. “Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Md. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa labo sano ka hor sheegay in ay Soomaaliya ku yaaliin xeryo lagu tababaro argagixisada, laakin xubno ka socday FBI-da Mareykanka iyo Saxafiyiin reer Galbeed ah ayaa yimid halkan (Somalia), mana arkin wax xerooyin ah oo lagu tababaro argagixiso, taasi run ma ahayn, waana beenowday, annagu waan is-naqaanaa, waana ogaan lahayn haddii ay Al-Qaacidda joogto”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys. Shiikh Xasan waxaa uu fasir ka bixiyay Jihaadka, “Jihaadku waa in gaalada lala dagaalo meel kasta oo ay dunida ka joogaan” ayuuna yiri isagoo tusaale kale ku soo qaatay “Haddii aad Bisad ama Mukulaal qol ku soo xirato, waxa aad filan karto waa in ay kula dirirto oo ay ku waxyeeleyso”. Shiikha waxaa uu ku dheeraaday ka hadalka Islaamka iyo Jihaadku uu kula jiro Reer Galbeedka,”Muslimku waa hal, wuxuuna isula xanuunsanayaa sida jirka Bani'aadamka uu xanuunka u dareemayo haddii meel ka mid ah wax ka gaaraan, sidaasoo kale waan xanuunsanaa marka Ameerikaanku dilaan Muslimiinta”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir oo caddeeyay in aysan aqbali doonin shuruudo ay wataan Reer Galbeedka oo ah in ay Soomaaliya ka qaataan wax walba oo ay doonayaan. Intii uu Wariye Kevin ku guda jiray socdaalkiisii Soomaaliya waxaa kale oo uu booqday meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, wuxuuna mar tegay Suuqa weyn ee Bakaaraha, wuxuuna halkaasi ku arkay dad aan jecleysaneyn Wariyayaasha Ajnabiga ah. “Suuqa Bakaaraha oo ah halkii aan kula kulmay Nuur Maalin, wiilkii da'da yaraa ee naafada noqday waxaan ka helay caddeymo ku saabsan carada loo hayo dadka Reer Galbeedka ah, gaar ahaan dadka Mareykanka ah. Dad badan waxay ka biyo diideen inaan sawirro ka qaado, weyna igu buuqeen markii aan arrintaas isku dayay, saaxibadii aan wada soconay ee Soomaalida ahaa ayaa ii sheegay in ay dadkani u maleynayaan in aan sawirradooda tusayo Mareykanka” ayuu yiri Wariye Kevin. Oday Da' ah oo Af-Ingiriiska ku hadla ayaa markii ay dadku iga kala ordeen isa soo taagay, wuxuuna yiri “u sheeg Bush (Madaxweynaha Mareykanka) diyaar ayaan u nahay in aan la dagaalanno”, markaas kadib ayaan Odaygii weydiiyay maxay tahay sababta aad ula dagaalameysaan?, wuxuuse ku jawaabay “Sababtoo ah wuxuu weerarayaa Muslimiinta ku sugan dalka Ciraaq, halkanna wuu u soo socdaa”.
Minnesota: Tirada Qaxootiga Soomaalida ah oo La Rajaynayo Inay Laba Jibbaaranto Arboco, October 26, 2005  | Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minneasota oo ah xaruunta ugu weyn ee Soomaalida Waqooyiga Amerika | Minneapolis, MN (HOL). Saraakiisha ka howl gala dibu dajinta qaxootiga ayaa tibaaxay in tirada qaxootiga Soomaalida ah ee Minnesota uu kordhayo laba iyo tobanka bilood ee foodda inagu soo haysa. Qiyaastan ay saraakiishu bixiyeen ayaa ku soo beegantay iyadoo uu Madaxweyne Bush todobaadkii hore ku dhawaaqay in Mareykanku uu aqbali doono illaa iyo 70,000 oo qaxooti ah, inta u dhaxeysa bishan October 1-deeda illaa iyo September 30-keeda sanadka 2006-da. Tirada rasmiga ah ee qaxootiga gobolkan Minnesota soo dagi doona wuxuu ku xirnaan doonaa sida ay qaraabadooda halkan joogta noloshooda u damaanad qaadaan, amaba u codsadaan in loogu keeno, iyo sida jawiga guud ee gobolku ugu wanaagsan yahay daryeelka qaxootiga. Waxaase la isku raacsan yahay in tirada qaxootiga Soomaalida ee Minnesota uu sidiisa u sii xooganaan doono, hadaanuu kobcin, sida uu xaqiijiyey John Borden oo agaasime ka ah hay’adda International Institute of Minnesota oo caawisay boqolkiiba affartan soo gallootiga Minnesota sanadkii 2004-ta. Mr. Borden ayaa tibaaxay in dardartii qaxootiga Itoobiyaanku uu guud ahaan is dhimay, ayna u badan tahay in Soomaalida iyo qaxootiga Galbeedka Africa ay soo badan doonaan “Soomaalidana farxad badan lagu arki doono” ayuu raaciyey. Baarliin Adan iyo Cadar Kaahin ayaa kamid ah dadka aad ugu faraxsan ineey qaraabadoodu ku wehliyaan Minnesota “Aad baan ugu faraxsanahay inaan soo dhaweeyo qoryskeyga&rdqu
|