Bogga wararka

Guriga | Wararka | Sawirada | Tariikhda Somaliya | fanka iyo sugaanta | Asxaabta | Arrimaha bulshada | cayaaraha

 

Arbaco, September 21, 2005(YOL): Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimayay oo lagu maamuusayay maalinta Nabadda Adduunka ee 21-ka September ku beegan ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina uu soo agaasimay Machadka Nabadda Soomaaliyeed (Somali Peace Institute).

Furitaankii xafladdan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Machadka Md. C/llaahi Maxamed Xasan (Black) oo sheegay in ay ayaan darro tahay in xuskan sanadkan ee maalinta Nabadda Adduunka uu ku soo beegmo iyadoo Dowladdii Federaalka Soomaaliyeed ee loogu talagalay in ay dadka dhibaatada ka bixiso ay iyadii kala qeybsan tahay, isla markaana uu jiro wel wel ku saabsan in iyadii dhexdeeda uu dagaal ka bilowdo.

C/llaahi Black waxaa uu sheegay in Machadkan Nabadda oo la aas aasay bishii July 2004 uu diyaariyay Bayaan Nabadeed oo la dhigay Hotellada, Dugsiyada iyo Jaamacadaha Waxbarashada Muqdisho si ay dadka u saxiixaan, iyadoo qorshuhuna yahay in ay saxiixaan dad toban kun oo ruux gaaraya.

Guddoomiyaha Machadka Nabadda Soomaaliyeed waxaa kale oo uu sheegay in Machadka Nabadda ay qorshaha ugu jirto in uu baahinta Nabadda ku gudbiyo qaab waxbarasheed, iyadoo dadka la siin doono waxbarasho, taasoo uu Machadka la kaashan doono Hay'ado kale oo caalami ah.

Sidoo kale wuxuu Md. C/llaahi Black madashii xafladda ka jeediyay dhambaal uu soo diray aas aasihii Machadka Nabadda oo haatan ku maqan dalka dibaddiisa Md. C/risaaq Shiikh Aadan, kaasi oo dhambaalkiisa uu isugu jiray hambalyo ku aadan xuska maalinta Nabadda Adduunka iyo weliba baaq uu u jeediyay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo uu ka dalbaday in ay nabadda u hiiliyaan, isla markaana ay khilaafkooda ku xaliyaan qaab nabaddoonnimo ah.

Intaas kadib ayaa waxaa xafladdan ka hadlay mas'uuliyiin kala duwan oo ka socotay bulshada qeybaheeda kala duwan oo aan ka xusi karno Ururrada u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda, Duubab Dhaqan, xubno ka socday Dowladda Federaalka, Ardayda Dugsiyada Waxbarashada iyo weliba waalidiin.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo hadal ka jeediyay munaasabaddan ayaa waxaa uu sheegay in noolaha ku nool adduunyada noocii ay doonaanba ha ahaadeenee ay u baahan yihiin nabadgelyo, sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo dhowrista Nabadda. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas waxaa uu ugu baaqay xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee is-khilaafsan in ay dadka ka daayaan wel welka ay ku hayaan, isla markaana ay ka hortagaan in khilaafka u dhaxeeya uu u gudbo gacan ka hadal.

Waxaa xusid mudan in ay maamuuska maalinta Nabadda ka qeybgaleen Arday ka socotay Dugsiga Hoyga Xamar, kuwaasi oo muujiyay sida ay uga xun yihiin nabadgelyo la'aanta ka jirta dalka iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii.

Idman Cali Xasan oo ahayd gabar aan da'deeda ku qiyaasay toban sano, isla markaana la ii sheegay in ay tahay Ardayad wax ka barata Dugsiga Hoyga Xamar, Dibaddana laga keenay ayaa waxay jeedisay hadal aad u kiciyay dareenka intii dhegeysaneysay, waxayna Idman jeedisay baaq ku wajahnaa in ay Ardayda Soomaaliyeed doonayaan Nabad, Dowlad soo celisa sharcigii iyo kala dambeyntii, waana in la joojiyaa ayay tiri Idman wax kasta oo keeni kara colaad iyo dagaallo hor leh oo dalka ka dhaca.

Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo Guddoomiye ka ah Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa iyaduna jeedisay eraygeeda ku aadanaa maalinta Nabadda Adduunka, waxayna Maryan oo hadalkeeda aad u kululaa ay sheegtay in Soomaaliya ay weysay maamul wanaagsan, saab xiriiriye, sharci iyo kala dambeyn kadib markii la eryay dowladdii hore, “Caalamku maanta si nabadgelyo ah ayuu ku dabaaldegayaa laakin annagu waxba nalama ahan nabadda waayo maalin walba ayaa horteena dad lagu dilaa, lagu heystaa, gabdho lagu kufsadaa” ayay tiri Maryan Awreeye oo intaas ku sii dartay “shacabka Soomaaliyeed haatan waxaa la soo gudboonaatay cabsi, argagax iyo wel wel dagaal, anigu ma dhihi karo Soomaaliya nabad ayaa ka jirta, cid kastana taas wey ogtahay, mar walba oo labo tallaabo loo qaado dhinac nabadgelyada, hoggaamiyayaasha toban tallaabo ayay u qaadaan dhinaca nabadgelyo darrada, sidaas darteed waxaan caalamka ka codsanayaa aniga oo ku hadlaya magaca haweenka iyo caruurta in ay naga kaxeeyaa wadankan oo ay na geeyaan meel ka wanaagsan Soomaaliya oo aan ahayn meel lagu noolaan karo”.

Maryan Awreeye waxay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed ay 15-kii sano ee ugu dambeeyay ay ku soo kifaaxeen kifaax kan ugu xun oo wax walba la isku sameeyay, waxayna tilmaantay in uusan haatan muuqanin jawi saamaxaya in laga baxo xaaladahaas qaraar ee ka dhashay sharci iyo kala dambeyn la'aanta ka jirta Soomaaliya.

Inj. Suudaan Cali Axmed oo la dhashay Halyeey Elman Cali Axmed oo la dilay isagoo nabad iyo nolol u raadinayay dadka Soomaaliyeed, isla markaana madax ka ah Hay'adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa isaguna hadal ka jeediyay munaasabaddan, wuxuuna Suudaan yiri “waan ognahay in aysan nabad jirin balse niyadda ayaan ka oyneynaa, waxaana xuska maalintan ka qeybqaadaneynaa Inaga oo aan nabad heysan”.

Suudaan waxaa uu ka hadlay waxqabadkii walaalkiis Elman ee dhinaca nabadda wuxuuna xusay in Elman uu u geeriyooday halku dhig ahaa Qoriga Dhig, Qalinka qaado, isagoo weliba hub ka dhigis ku sameynayay maleeshiyooyin uu barayay xirfado kale oo uu ku shaqeystaan, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen gaadiid kaxeynta, farsamada korontada, cilad bixinta gaadiidka iyo kuwo kale.

Suudaan waxaa kale oo uu sheegay in ku dhaqanka Qabiilka uu meel xun ka gaaray Soomaalida dhexdeeda, gaar ahaan Koofurta dadka ku nool, wuxuuna tusaale u soo qaatay labo fannaan oo saaxibo ahaa oo hadana la isugu aaray (Nuur Cusmaan “Jeyte” iyo Qaasim Axmed Raage “Qaasim Qaxweyste”).

“Sida ay tiri walaasheey Maryan Awreeye caalamka kama codsaneyno in meel kale na geeyaan balse waxaan ka rabnaa in ay naga qabtaan hoggaamiyayaasha hor tagaan in aan nabaddii helno, isla markaana ay maxkamadeeyaan'ayuu yiri Inj. Suudaan oo sheegay in shacabka ay la dagaalami doonaan hoggaamiyayaasha hubeysan, “Kuwii aan Nabadda in ay soo celiyaan ka sugeynay waa kuwaas Jowhar iyo Muqdisho kala jooga”ayuuna yiri.

Xaliimo Caddow Cosoble oo ku hadleysay magaca hooyooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dowlad kasta oo Soomaaliya loo soo dhiso laga soo hor jeedi jiray, balse ay dowladda haatan dhisan tahay mid iyadii iska soo horjeeda, “idinkuma jiro nin saqiir ah iyo nin aanan ninka kale aqoonin, waad is-taqaanaan ee isu tanaasula, Kooxdii SRRC la oran jiray iyada ayaa hadda dowladda ugu badan, waana is-yaqaanaan, waxaan leeyahay markii aad loolanka ku jirteen ee shirka socday waad is-rabteen ee hadda maxaad isku diideysaan”ayay tiri Xaliimo Caddow oo farriintaas u direysay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Xaliimo Caddow waxaa kale oo ay intaas ku dartay in haddii aan Qarannimo la helin aanan nabadgelyo la heli doonin, iyadoo intaas sii raacsatay in Aqoonyahannada ku dhex jira Dowladda Federaalka ee aan ka qeybqaadaneynin sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada khilaafka u dhaxeeyo ay ku dhex baabi'i doonaan, magac xumana ay ka dhaxli doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayay Xaliimo ku tilmaantay mid aan damiir lahayn oo aan danihiisa aqoonin, “War Shacabyahow jiifka ka kaca, oo banaanbaxyo ku muujiya dareenkiina nabaddoonnimo”ayayna tiri, iyadoo intaas ku dartay in xubnaha dowladda haddii ay ka joogi waayaan colaadaha ay abaabulayaan la arki doono wasiir aag dagaal yaala oo xabad haleeshay, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) ayaa isaguna qudbad aad u dheer ka jeediyay xuska munaasabaada Maalinta Nabadda Adduunka, wuxuuna Jinni Boqor sheegay in machadka soo qaban qaabiyay xuskaas uu yahay mid magac wanaagsan oo caalami ah heysta, isagoo ku gaabsaday in noolaha Adduunyada ku nool oo dhan uu u baahan yahay nabad.

Intaas kadib Jinni Boqor waxaa uu u galay qeyb kale oo ka mid ah qudbaddiisa, taasi oo uu ugu jawaabayay dadkii eedaha u soo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee meesha ka hadlay, “Golayaasha Dowladda waa kala qeybsan yihiin, wixii na laga sugayay iyo hashii la rabay in ay dhasho oo caano laga maalo, isla markaana ay noqoto maati koris waa ay dhicistay, waa run waxa la inaga sheegayo, canaan-na waan mudan nahay, laakin shacabka Soomaaliyeed waa in uu noqdaa mid nool oo wax saxa, isla markaana ciddii gardaran uu gardarro saaro”ayuu yiri Jinni Boqor oo si u difaacayay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

Jinni Boqor waxaa uu dhaliilay hadalkii uu dhawaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka jeediyay New York, wuxuuna tilmaamay in madaxweynaha looga baahnaa in uu caalamka u jeediyo in si kale loogu gurmado dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, halkii uu ka dalban lahaa in laga qaado cunaqabeynta hubka.

“Taas micnaheedu waxaa weeye aan hub soo iibsado, isla markaana aan diyaaradihii Itoobiya iyo Maraakiib aan Badda keeno si ay dadka u laayaan, Itoobiyana waan ognahay waxay sida Virus-ka hergebka iyo kan Aids-ka u qeybisaa Rasaas waayo dalkeeda ayaa waxaa ku yaala warshaddii rasaasta sameyneysay”ayuu yiri Jinni Boqor oo intaas ku daray in aan UN-ka lagala hadlin dadka Soomaaliyeed ee jeelalka ku jira iyo kuwa Badaha ku dhamaanaya wax ka qabashadooda.

Jinni Boqor waxaa uu ka hadlay hadal mar walba loogu cel celiyo Dowladda Federaalka xubnaheeda oo ah in Shirkii labo sano loo fadhiyay Kenya aaney wax natiijo ah ka soo bixin, wuxuuna arrintaas mar uu ka hadlayay yiri “Caalamka wax uu ku dhameeyo seminaar 3 maalmood ah ayaan labo sano u fadhinay Kenya, wax kalena maaheyne talada annaga ma lahayn, shirkana cid kale ayaa wadatay, siyaasiyiintii wax kala tabaneysayna si toos ah uma aysan wada hadlin, hayeeshee waxaa ka soo baxay shirkaas oo ka dhashay Axdi KMG ah, Guddoomiye Baarlamaan, Madaxweyne iyo Xukuumad, mana la dhihi karo waxba kama soo bixin”.

Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) wuxuu sheegay in markii nin kasta uu wax noqday uu bilaabay in uu la leexdo wixii uu Axdiga u fasaxayay, isla markaana uu yiraahdo waxaa soconaya waxa aan anigu doonayo, “Taasi waa wixii lagu eryay Dowladdii hore oo kali talis ahayd, waxaan qabaa haddii lagu dhaqmo 71-ka Qodob ee Axdiga KMG ah waa dhamaanayaa khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee kala jooga Muqdisho iyo Jowhar, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha wixii loo soo doortay waxay ahayd in ay dadka isu doonaan oo ay dib u heshiisiin ka dhex bilaabaan, isla markaana ay xiix iyo maax ka dhigaan laakin nasiib darro taasi ma dhicin, dhaxalkeediina wuxuu noqday in dowladdii ay labo u kala jabto”ayuu mar kale yiri Xildhibaanka.

“Sanadkii inooga lumay Kenya ka hor haddii aan Xamar imaan lahayn oo aan ka howl bilaabi lahayn, isla markaana aan dhaqaalaha yarka ah ee aan helno aan dib ugu dhisi lahayn caasimadda Muqdisho waxay noqon lahayd sida Paris oo kale”ayuu mar kale yiri Jinni Boqor oo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen dagaallo iyo colaad hor leh, isla markaana aysan Dowladda Federaalka ka rajeyneynin in ay dagaal dib ugu abuurto.

Jinni Boqor waxaa uu ka hadlay xumaha ku dhaqanka Qabiilka, inkastoo sida uu yiri haatan dadku ay ka sii korayaan adeegsigiisa, “Hadda haddii ay Qolayaha Jowhar iyo Balcad isku dhacaan waan hubaa in aaney Hoggaamiyayaasha Muqdisho ii dileynin sabab la xiriirta in aan C/llaahi Yuusuf isku reer nahay balse waa suurowdaa in wiil yar oo dhalinyaro ah uu arrintaas darteed ii dilo kadib marka loo sheego in aan Reerka ku soo duulay ka soo jeedo” ayuuna yiri Jinni Boqor.

Prof. Maxamed Nuur Shiikh Cali oo ka socday Hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada tashiga CRD ayaa isna ka hadlay munaasabaddan, wuxuuna sheegay in nabad lagu heli karo dadka oo dhamaantood u ololeeya sidii lagu soo dabaali lahaa, iyagoo ka fogaanaya ku dhaqanka qabiilka, “qabiil marka aad tahay oo aad ku dhaqmeyso dadka waa ka soocan tahay balse haddii aadan qabiil u adeegeynin dadka waad u siman tahay”ayuu yiri Prof. Maxamed Nuur oo intaas ku daray in Nabadda iyo Dowladnimada aysan qiimo lahayn haddii aaney dadku Soomaalinimada iyo Islaannimada ku dhaqmeynin “Maanta haddii qof yiraahdo yaa tol ah waa la difaacayaa balse hadii uu yiraahdo yaa Muslim ah ma jirto qof u imaaneysa, marka arrintaas sow la yaab ma lahan”ayuuna Professorku weydiiyay dadkii dhegeysanayay.

Prof Maxamed Nuur waxaa uu dib u qooraansaday xiligii gobonimo-doonka iyo halgankii dhalinyaradii Leegada, wuxuuna carabka ku dhuftay in dhalinyaradaas ay ahaayeen kuwo Soomaalinimada ku weyn tahay oo aanu qabiilka wax macno ah u lahayn, “Dad baa iyagoo halgan Soomaalinimo-doon ah ku jira wadnuhu istaagay, marka anigu waxay ila tahay in Nabaddii iyo Dowladnimadii ay soo celin karaan dad Soomaalinimada ku weyn tahay sidii dhalinyaradaas oo kale”ayuuna yiri Professor Maxamed Nuur Shiikh Cali.

Dhanka kalena, Hotello dhowr ah oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo goobo kale ayaa maanta lagu qabtay xus loo sameeyay Maalinta Nabadda Adduunka, iyadoo ay halkaasina ka hadleen mas'uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo weliba kuwo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.




 


Hiiraan Online
contect.yoolaconline.8m.net
yoolac20@yahoo.com
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan oo Baydhabo ku soo dhaweynayo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf- Baydho, Somalia   


Sabti, February 25, 2006(HOL): Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa afartii galabnimo ee maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, halkaasi oo uu ku tegay diyaarad ka qaaday magaalada Jowhar.

Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid gobolka dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwo ku dhow gobolka ayaa soo dhaweyntaas ka qeybgalay, waxaana Garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxweynaha wuxuu salaamay dadkii soo dhaweeyay oo isugu jiray, dadweyne caadi ah, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo weliba cutubyo ciidamada qalabka sida ah, kuwaasi oo u muujiyay niyad sami aad u weyn.

 Intaas kadib madaxweynaha waxaa lagu soo wareejiyay gudaha magaalada Baydhabo oo hareeraha waddooyinkeeda ay dhoobnaayeen dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo beryahaanba aad ugu diyaargaroobayay in ay soo dhaweeyaan madaxweynaha iyo in kulanka Baarlamaanka lagu qabto magaalada Baydhabo.

Dadweynihii isugu soo baxay in ay soo dhaweeyaan Madaxweyne Cabdullahi Yusuf - Baydho, Somalia   


Markii madaxweynaha lagu soo wareejiyay magaalada waxaa loo gudbiyay guri magaalada Baydhabo looga dayactirayo, kaasi oo qeybo ka mid ah ay weli howl nuur-nuurin ah u harsan tahay. Gurigaas oo ay  ku howlgeli jireen Hay’ado dhowr ah oo UN-ka hoos taga ayaa waxay horay u ahaan jirtay Xarun ay lahaayeen Ciidamadii Mileteriga.

Sidoo kalena, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo maalinta berri ah ku sii jeeda magaalada Baydhabo ayaa isaguna waxaa Guri looga diyaariyay Dhismaha ay magaalada Baydhabo ka degan tahay Hay’adda UNICEF.

 Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo hadal kooban saxaafadda ugu jeediyay guriga la dejiyay ayaa wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu mar kale yimaado magaalada Baydhabo oo  uu ku sheegay magaalo uu mar ka howlgeli jiray, wuxuuna hadal saxaafadeedkiisa ka hor uu hadallo soo dhaweyn ah ka guddoomay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Shiikh Aadan Madoobe iyo Xasan Maxamed Nuur (Shaargaduud).

Waxaa uu ka hadlay madaxweynaha muhiimadda kulanka Baarlamaanka ee berri la filayo in uu ka furmayo magaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay in lagu sii amba qaadi doono heshiiskii ay isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo gaareen magaalada Cadan ee dalka Yemen, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in heshiis dhab ah la dhex dhigo golayaasha Dowladda, “waa in aan gacmaha is-qabsannaa oo aan Umaddeena dhibaatada ka saarnaa”ayuuna yiri Madaxweynaha oo sheegay in aan loo baahneyn kala tag iyo khilaaf sii socda.

Wariyayaasha ka soo qayb galay shirka berito ka furmidoona magaalada Baydho  


Wuu sii hadlay madaxweynaha wuxuuna kula kaftamay qaar ka mid ah saxafiyiintii hadalkiisa dhegeysaneysay in ay indhahiisu qabanayaan Wariyayaasha Idaacado uu dhegeysan jiray oo qaab aan wanaagsaneyn u shaqeynayay, wuxuuna ku dhaariyay in ay maanta wixii ka dambeeya wanaag ku shaqeeyaan, isla markaana ay si wanaagsan u tebiyaan natiijooyinka Kulanka Baarlamaanka.

Wuxuu ka hadlay abaaraha ku dhuftay gobollo ka tirsan dalka Soomaaliya, sida Bay, Bakool, Gedo, Jubbooyinka iyo meelo ka mid ah Shabeelaha Hoose oo uu sheegay inay 80% xoolihii dhinteen, dadkiina haatan ay iyaguna dhimasho bilaabeen, “haddii sidaas dhacdo waxa ku xiga waa cudurro, marka waxaan caalamka ka codsaneynaa in ay dadkaas kaalmo la soo gaaraan”ayuuna yiri.

Garoonka Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan wuxuu ahaa mid aad u mashquulsan waxaa ka soo degayay diyaarado ka kala imaanayay magaalooyinka Jowhar, Nairobi iyo gobollo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo maanta oo kaliyana ay ka soo degeen ilaa 4 diyaaradood oo ay ku jirtay midii siday Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Intii ay hawada ku jirtay diyaaraddii siday madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa garoonka Baydhabo ka degtay diyaarad kale oo ay la socdeen wafdi ku dhawaa 30 xubnood oo ka yimid deegaanada Puntland, kuwaasi oo xubnihii la socday ay ka mid ahaayeen Xasan Abshir Faarax, Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Cawad Axmed Xasharo iyo xubno kale oo aad u tiro badnaa.

Xasan Abshir Faarax oo kadib markii uu diyaaradda ka soo degay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay nasiib wanaagsan u tahay in uu roob ku soo dhaweeyay magaalada Baydhabo, weliba xili ay dadku aad u xiiso qabeen.

Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxay tahay mid aad u mashquulsan, iyadoo dadkeeduna ay dhexda u xirteen sidii ay u martigelin lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliyeed. Dadkaasi waxaa ka mid ah Odayaasha kala ah Yuusuf Xasan Cali, ibraahim Yarow Xeydar, Ibraahim Maxamuud Nuur, Mustaf Macallin Ibraahin, Maxamed Xasan Cusmaan oo aan saakay kula kulannay gudaha Xarunta loo diyaarinayo Kulanka Baarlamaanka, waxayna dhamaantood isku raaceen in ay ku faraxsan yihiin martigelinta kulanka baarlamaanka.

Ugu dambeyntiina, Ammaanka magaalada  ayaa si weyn loo adkeeyay, maleeshiyooyinkii tirada badnaana dibadda ayaa loo saaray, iyadoo la geeyay labo xero oo ka baxsan magaalada, kuwaasi oo kala ah Deynuunaay iyo Mannaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) yoolac Online
sxiis@yoolac.com Baydhabo, Somalia 






 




Halkee loo diyaarinayaa in uu kulanka Baarlamaanka ka dhaco

Madasha shirka uu ka dhicidoono - Baydho, Somalia   


Sabti, February 25, 2006(HOL): Waxaa dayactir aad u weyn lagu wadaa Hool weyn oo ku dhex yaala Xaruntii ADC-da, kaasi oo dabcan sida ay indhihiinu arkayaan ay u dhiman tahay howl ballaran oo diyaarin ah.

 Inj. Cusmaan C/llaahi Xasan oo ka mid ah Injineerada howshan dayactirka wada ayaa noo sheegay in ay muddo gaaban ku dhameyn doonto howsha ay wadaan, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in xitaa haddii loo baahdo kulanka Baarlamaanka lagu sii furi karo iyadoo ay socoto howsha dayactirka, bacdamaa uu hoolka saqafkiisii leeyahay, gogoshii iyo kuraastiina la heli karo oo ay taalo.

 Seddex Matoor oo waa weyn, ilaa 3000 kun oo kursi, miisas iyo Computer-ro ayaa saakay laga dejiyay garoonka Diyaaradaha Baydhabo, iyadoo alaabtaasina ay keentay Hay’adda Horumarinta Mashaariicda u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP.

 Waxaa saakay booqday Xarunta ADC-da si ay u qiimeeyaan howsha socota Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaban-Qaabada qabashada Kulanka Baarlamaanka oo ay la socdeen Safiirka Dowlada Yemen u qaabilsan dalka Soomaaliya Al-Sayid Axmed Cumar iyo Madaxa Xafiiska Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Al-Sayid Cabdalla Mubaarak, iyadoo sidoo kalena uu xaruntaas indho-indheyn u tegay sarkaal ka socday UN-ka oo dhinaca ammaanka qaabilsan, kaasi oo lagu magacaabo Arve Skog.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), yoolac Online
sxiis@yoolac.com Baydhabo, Somalia  






 




Kulanka Baarlamaanka Berri ma furmayaa?

Sabti, February 25, 2006(HOL): Su’aashaas waxay HOL hordhigtay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna sheegay in kulankaas uu berri sidii loo qorsheeyay uga furmayo magaalada Baydhabo, isagoo meesha ka saaray in ay dhici karto in dib loo dhigo.

Halka lagu qabanayo kulanka Baarlamaanka ayaan sii weydiinay bacdamaa ay hoolkii lagu qaban lahaa oo ku yaala Xaruntii ADC-da uu weli dayactir ka socdo, wuxuuna Shariif Xasan ku gaabsaday in furitaanka kulanka Baarlamaanka lagu qaban karo meeshii la doono oo ka tirsan magaalada Baydhabo, inkastoo warar lagu kalsoonaan karo oo ay HOL heshay ay sheegayaan in xafladda furitaanka ay ka dhici doonto Xarunta Dugsi lagu magacaabo Model oo isla magaalada Baydhabo ku yaala.

Maxaa looga hadlayaa ayaa la is-weydiin karaa kulanka Baarlamaanka, kooramkiise ma buuxaa, mar kale Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa nooga jawaabaya “Insha Allaahu tacaalaa berri kulanka waa furmayaa, waxaana rajeynayaa in ay ka qeybgeli doonaan Xildhibaano kor u dhaafaya 200, hayeeshee waxaan kuu sheegayaa in waxyaabaha looga hadlayo ay u badnaan doonaan dib u heshiisiinta, dhameystirka guddiyadii baarlamaanka iyo qodobo kale oo markaasi ay Xildhibaanadu isla garan doonaan.

Maadaama ay kulanka ka maqan yihiin Wasiirradii hubeysnaa ee Muqdisho oo la ogyahay inay ka soo horjeedeen siyaasadaha Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha yey tahay cidda dib u heshiisiinta loo furayo ayaan mar kale weydiinay Guddoomiye Shariif Xasan, wuxuuna yiri “inta aan ogahay Wasiirrada iyo Xildhibaanada maqan ee Muqdisho jira xumaan kuma maqna, weyna imaan doonaan shirka haba ka soo dib dhacaano furitaanka”.

Xiisadda ka dhex taagan Midowga Maxkamadaha Islaamka iyo Isbaheysiga la dagaalanka argagixisada ee Muqdisho ka taagan muxuu ka leeyahay Afhayeenka Baarlamaanka “Aad baan uga xumahay dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee dhibaatada badan sababay, waxaana ugu baaqayaa labada dhinac in ay colaadda joojiyaan, isla markaana waxyaabaha ay isku hayaan ay ka wada hadlaan waayo dagaal wax faa’iido ah oo lagu gaarayo ma jirto in lagu khasaaro mooyee”.

Si kastaba arrintu ha ahaatee kulanka baarlamaanka ee berri ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa wuxuu socon doonaa muddo seddex bilood ah, sida uu Guddoomiyaha Baarlamaanka noo xaqiijiyay, inkastoo ay go’aanka arrintaas u taalo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo gudahiisa ah

Salaad Iidow Xasan (Xiis) YOL

sxiis@yoolac.com
Baydhabo, Somalia 






 


Hiiraan Online

Maraakiibta Dagaalka Mareykanka oo bilaabay in ay Burcadda Badaha ka Badbaadiyaan Maraakiibta Ganacsi ee ku sii jeeda Soomaaliya sabti ciidamada usa ee jooga badaha somaliya kuwa ay xilufada ee saldhigoodu yahay dalka jabuuti ayaa bilaabay horba dhaqdhaqaah aay ugu diyaar garoobayaa in ay wax ka qabtaan isbaarad la sheegay inay taalo somliay qasatan bada ee magalada xaradheere saakay wabarigiii ayaa la arkayay marakiibta bada ee usa ee joogta dalka jabuuti iyagoo qar kamid ah usoo dhaqaay dhinacaa iyo xara dheere waa markii ugu horeysay ee la arko ciidamo usa ah oo somaliya arimo samafal xag milatri ah kla qabanay tan markii dagaalku ku dhaxmarayu somaliya 1993 kii usforce iyo ciidamo uu watay JAN . caydiid oo waqtigaaasi mareykan cirbad ku noqday geeska africa joogta sikastaba ha haatee waxaa hadalkaan maanta ka soo yeeray nin uhadlay cidamadaas ay u tahay mid qalbiga ganacsatada ay ku dageyso markii 7 kii kii hore ay ku hanjabeen maleeshiyada haysata markabkii DFB u rarnaa in ay marakiibta o dhan ay isbaarad u dhiganayaan hadaan laga siin lacag ay ku timaameen baad ama leejo warkan waxa qoray shabakada layishaa ohmynows shalayto waxii kale ee ka soo kordha isbarad bada waan isin la socod siin doona aqristayaal YOL